Advertisements
Wararka

Roger Federer oo ku guuleystay tartanka Tennis-ka ragga ee Australia Open…

Switzerland's Roger Federer kisses the winner's trophy after beating Croatia's Marin Cilic in their men's singles final match on day 14 of the Australian Open tennis tournament in Melbourne on January 28, 2018. / AFP PHOTO / SAEED KHAN / -- IMAGE RESTRICTED TO EDITORIAL USE - STRICTLY NO COMMERCIAL USE -- (Photo credit should read SAEED KHAN/AFP/Getty Images)

Xiddiga Tennis ee Swiss-ka Roger Federer ayaa ku guuleystay tartankii Tennis-ka Australia Open ka dib markii uu ka badiyey dhigiisa Croatian Marin Cilic ciyaartii finalka aheyd oo la isla gaaray shanta wareeg, wuxuu xaqiijistay Grand Slam-ka 20aad.

Ciyaarta oo aad u adkeyd ayaa ku dhamaatay 6-2, 6-7, 6-3, 3-6, 6-1, Federer oo 36 jir ah halka Cilic 29 jir ka yahay.

Guushan ayaa Federer u horseeday in uu ku guuleysto lix jeer Australia Open iyo Grand Slam-kii 20aad ee tartamada waaweyn ee Tennis-ka adduunka.

Australian Open ayaa ah kan ugu horeeya ee horyaalada Tennis-ka ee xilli ciyaareedka cusub ee sanadka, taasi oo dhiiragelin siineysa laacibka Swiss-ka si uu guulo uga keeno Grand-Slam-yada u haray sanadka.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (3821 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: