Advertisements
Wararka

Lacagaha digitaalka oo khasaare culus soo gaaray bilowga 2018ka…


Lacagaha Digitaalka oo la kulmay khasaare aad u weyn sida Bitcoin oo khasaare culus soo gaaray bilowga 2018ka, iyada oo dowladaha adduunka badankooda ku soo rogay sharciyaal adag ka ganacsigeeda.

Waxaa hoos u dhacay ra’sul maalka lacagaha suuqa wareega ee lacagaha digitaalka kuligood oo aheyd qiyaastii 296 bilyan oo dollar intii lagu guda jiray ganacsigii Talaadada, marka loo eego qiyaastii 832 bilyan oo dollar oo ahaa bil ka hor, khasaaraha ayaa gaaraya qiyaastii 536 bilyan.

Waxaa sii kordhay dhibaatada lacagtani heysata maalmihii la soo dhaafay ayadoo hoos u dhac weyn ku yimid dhinaca suuqyada caalamka oo dhan.

Bitcoin oo ah tan ugu caansan lacagaha digitaalka ayaa shalay ka hoos martay $6 kun oo dollar, waanna heerkii ugu hooseeyey tan iyo bishii november 2017.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (4518 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: