Advertisements
Wararka

Khasaare culus oo soo gaaray suuqa wax lagu kala iibsado ee Wall Street…


Waxaa ku habsaday Suuqa wax lagu kala iibsado ee Wall Street khasaare culus khamiistii, iyada oo laba jabaarantay khasaaraha soo gaaray Dow Jones iyo S&P 500.

Natiijada khamiistii waxay ka dhigan tahay in Dow Jones iyo S & P 500 ay hoos uga dhaceen in ka badan 10% heerkii rikoodhka aheyd ee ay gaareen bishii January.

Dow Jones ayaa lumiyey in ka badan 1,000 dhibcood markii labaad todobaadkan, asaga oo hoos u dhacay 4.15%, wuxuu ku xirmay 23,860 dhibcood.

Halka S & P 500 ay gaareyso khasaarihiisa 100.58 dhibcood taasi oo u dhiganta 3.75%, wuxuu ku soo xirmay 2581 dhibcood, sidoo kale waxaa khasaaray Nasdaq oo lumiyey 274.8 dhibcood oo u dhiganta 3.9%, wuxuu ku xirmay 6,777.1 dhibcood.

Natiijooyinkan aan fiicneyn ayaa yimid maalin kadib markii sidoo kale suuqyada Yurub ay khasaareen.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (4982 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: