Advertisements
Wararka

Twitter iyo Reddit oo mamnuucay vido-yada aan anshaxa aheyn oo been abuurka ah…


Barta Twitter-ka ayaa ku dhawaaqday mamnuucida muujinta sawirada fiidiyowga ee aan anshaxa ku wanaagsaneyn oo been abuurka ah.

Sida caadiga ah waxaa la farsameeyaa video wejiga jilaa ama heesaa ama xiddigaha telefiishanada oo lagu rakibo jir qof kale oo la arkayo muuqaal aan habooneyn iyadoo sameyneyso.

Barta Reddit ayaa iyaduna ku dhawaaqday joojinta sida Twitter-ka oo kale, kadib markii bartooda ay noqotay goobaha ugu caansan ee lagu faafiyo video-yadan been abuurka ah.
Twitter ayaa ogol in lagu faafiyo bartooda video-yada aan anshaxa aheyn, iyaga oo ka duwan baraha bulshada ee kale.

Laakiin maamulka Twitter-ka ayaa sheegay video-yada been abuurka ay jebinayaan sharciyadooda, waayo waxay isticmaalayaan qof wejigiisa iyaga oo aan ka heysan ogolaansho.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (3791 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: