Advertisements
Wararka

Dhageysiga dacwadda dilkii Saciid Mariino oo Maxkamada CQS ka bilaabatay…


Maxkamadda ciidamada qalabka sida ayaa maanta oo Sabti ah bilowday dhageysiga kiis dil ah oo ku saabsan dilkii dhawaan magaalada Muqdisho loogu geystay taliye ku xigeenkii hore ee ciidanka badda Soomaaliya Saciid Aadan Yuusuf Siciid Mariino

Dilka Taliye ku xigeenka ayaa waxaa geystay G/sare C/naasir Xoosh oo ka tirsan ciidamada Badda Soomaaliya, islamarkaana Saciid Mariino ku dhex dilay xaruntiisa 18-kii bishii la soo dhaafay.

Dhageysiga dacwadda ayaa saakay ka bilaabatay xarunta Maxkamadda ciidamada qalabka sidda ee darajada koowaad.

Dacwadda dilka ah ee loo heysto G/sare C/naasir Xoosh ayaa lagu soo beegay maanta oo ciidamada Badda ay u dabaal degayaan Sanadkii 53-aad ee ka soo wareegatay markii la aas- aasay.

Saraakiil ka tirsan ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa ku sugan xarunta maxkamadda kuwaa soo dhageysanaya sidda ay u socota maxkamadeynta eedeysanaha.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (4982 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: