Advertisements
Wararka

Dadaallo dib loogu soo celiynayo dad ku dhibaateysan dalka Liibiya oo socda…


Waxaa soconaya dadaallo dowladda Soomaaliya ku dooneyso in ay dalka dib ugu soo celiso dhalinyarada Soomaaliyeed ee ku dhibateysan dalka Liibiya sida uu sheegay danjiraha Soomaaliya u fadhiya Midowga Yurub Cali Saciid Fiqi.

Danjiraha ayaa warbaahinta u sheegay in ay jiraan Soomaali badan oo ku xiran xabsiyadda dalkaasi.

Fiqi ayaa intaa ku daray in Soomaalida qaarkood aysan ogoleyn in ay kusoo laabtaan gudaha Soomaaliya, islamarkaana ay doonayaan in ay halkaasi kasii baxaan marka la sii daayo.

Maalmihii lasoo dhaafay ayuu xusay in ay booqdeen xabsi ay ku xiran yihiin dhalinyaro Soomaaliyeed oo gaaraya 90, islamarkaana qaarkood ay diideen in ay ku soo laabtaan Soomaliya.

Muddooyinkii ugu dambeeyay ayaa waxaa xoogeystay dhibaatooyinka ay kala kulmayaan dhalinyaradda Soomaaliyeed dalka Liibiya.

Soomaali badan oo Tahriib ahaan ku tagay dalka Liibiya, kuwaa soo doonaayay in ay kasii aadaan dalalka Yurub ayaa sanooyin badan ku xiran xabsiyadda dalka Liibiya, qaarkood ayaa la kulmo jir dil iyo madax-furasho.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (4518 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: