Advertisements
Wararka

Diyaarad ku burburtay meel u dhow Moscow oo rakaabkii saarnaa wada dhintay…


Wakaalada Wararka ee Interfax ee Ruushka ayaa sheegtay in Diyaarad ka tirsan shirkada Saratov ee duulimaadyada ay ku burburtay gobolka Moscow maanta oo axad ah, waxaana la rumeysan yahay in ay dhinteen rakaabkii saarnaa oo gaarayey 65 iyo lix shaqaale ah.

Diyaaradda ayaa ka duushay garoonka Domodedovo ee caasimadda Ruushka ee Moscow iyadoo ku sii jeeday magaalada Orsk (koonfurta gobolka Ural).

Goobjoogayaal ayaa u sheegay wasaaradda gurmadka degdegga ah ee Ruushka in diyaaradda ay soo dhacday iyadoo gubaneysa, wasaaradda ayaa sheegtay in kooxaha gurmadka ah ay tageen goobtii shilka, laakiin waxay u badan tahay inaysan jirin cid ka badbaaday.

Xafiiska dembi baarista Ruushka ayaa sheegay in baarayaashu ay la tacaalayaan dhammaan wax kasta oo ku saabsan shilka.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (4982 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: