Advertisements
Wararka

Doorashada lammaanaha, kuma filna jeceylka oo keliya inuu abuuro xiriir joogta ah…


Doorashada lammaanaha nolosha marka uu wiilka ama gabadha ay gaaraan marxalad gaar ah ee noloshooda ay bilaabaan in ay ku fekeraan guurka, hadaba su’aasha ugu weyn oo markiiba madaxooda ku soo dhaceyso ayaa ah doorashada lammaanaha nolosha.

Hadaba Mid kasta oo ka mid ah waxay bilaabaan inay ka fekeraan waxyaabaha gaarka ah ee ay tahay in ka helaan dhinaca kale.

Qaababka doorashada lammaanaha nolosha ayaa ka mid ah in qofku yahay caqligal macquul ah oo ka fekera wax walba iyo dhinac walba si miir qab ah inta uusan qaadan qaraarka, iyo in ay xisaabaadkiisa ahaadaan kuwa run ku qotoma oo ka dheer caatifada.

Qofka Caatifiga ah waa qofka dareenka leh oo go’aanadiisa ku dabaqa caadifad iyo dareen uu qofka kale uu u hayo, caatifada ayaa ka horeysa caqligiisa, wuxuu difaacaa lammaanihiisa had iyo jeer jaceylka uu qabo ama qabto darteed, qofkaasi waxaa aasaas u ah jaceylka.

Qofka bulsho waa qof ku doorta lammaanaha nolosha fikradaha qoyskiisa iyo dad ku hareereysan.

Qofka jireed, waa qof wax ku doorta sifooyin gaar ah oo muuqaalka jirka, dhererka, quruxda, miisaanka iyo xataa midabka maqaarka ama jirka.

Maxaa laga rabaa lammaanaha nolosha, kow inuu ahaado qof diin leh oo dhexdhexaad ah oo cadaalad fala oo garanayo Allah hadaladiisa, waayo qofka aan Allah ka cabsan qof ma daryeelo, mana yaqaano sida ugu wanaagsan oo dad loola macaamilo.

Sidaa darteeda qofku waa inuu ka soo jeedaa qoys sharaf leh oo lagu yaqaano akhlaaq wanaagsan, sidoo kale leh sumcad iyo barbaarin fiican caruurtooda.

Qofka waa inuu awooda qarashka guurka iyo qarashka nolosha iyo dhisida qoys iyo abuurida guri mustaqbal.

Qofka waa inuu maskax iyo jir ahaanba uu fiyowyahay uu caruur korsan karo.

Qofka inuu yahay mid caqli u saaxiib ah oo wax walba fahmi kara, sababta oo ah dhibaatooyinka nolosho waxay ka mid yihiin nolosha, haddii qofku uusan wadahadal geli karin sidee qofkaasi u fahmi kartaa inta nolosha ah.

Qofku inuu yahay mid qaada mas’uuliyad ku filan oo habboon, taasi oo suurta gelineysa yagleelida qoys iyo dhalida caruur iyo tarbiyadooda iyo sidii si taxadar leh ula macaamushid.

Wadciga jeebka inuu fiican yahay waayo nolosha ayaa u baahan qarashaad muhim u ah reer ama qoys.

Baro tayada sifaatka qofka wuxuu ku fiican yahay iyo ceebihiisa, qaar ka mid ah waxay leeyihiin ceebo qof ogolaan kara aanu jirin, haddii qofku arko ceebo ama caadooyin aan fiicneyn oo aan la iska indho tiri karin in nolol la wadaago.

Iska ilaali dadka leh sifooyinkan gaarka ah oo aan loo dulqaadan karin tusaale ahaan bakheylnimada.

Hadaba sifooyinka laga rabo lammaanaha nolosha inuu qofka ahaado daacad, runlow, dabacsan si aad ula hadli kartid oo u wadaagi kartid wadahadal si fudud.

Ka fogow inaad aaminsan tahay in jacaylku uu ku filan yahay inuu abuuro xiriir joogto ah oo soconaya inta ay noloshu tahay.

Waxaad ku dadaashaa Samir badan, waayo waxaa kaa hor iman doona howlo ka buuxa dhibaatooyinka nolosha.

Tixgeli asalka qofka halka uu ka soo jeedo:
Haddii aad rabto in ay doorashadaadu sax noqoto waxaa muhim ah inaad hubiso qofka aad dooraneysid inaad isku dhowdihiin dhinacyada bulshada, dhaqanka oo ka soo jeedaan.

Khubarada cilmi nafsiga waxay sheegeen guusha doorashada lammaanaha in ay ku xiran tahay asalka qofka halka uu ka soo jeedo, taasi waa aasaaska doorashada haboon, looma tixgelinayo fikradaha ay aaminsan yihiin, daraasad loo qabtay dad is qaba ayaa muujisay kuwa raaxada nolosha ku jira oo guuleystay ay isaga eg yihiin heerkooda bulsho iyo dhaqan.
Farqiga da’da
Farqiga da’da u dhaxeysa raga iyo haweenku waa inuu ahaado mid macquul ah, si aanay ugu hogaamin wadahadal xumo iyo isfaham la’aan.

Farqiga da’da ee ugu fiican sida khubaradu ay sheegeen waa shan sano, taasi waxaa lagu ogaaday daraasad laga qaaday afar kun oo qoys oo cimrigooda u kala dhaxeeyo afar sano iyo nus iyo shan sano, waxaa la arkay in ay yihiin kuwa ugu farxada badan markii loo barbar dhigo kuwa farqiga da’dooda ay gaareyso sagaal ilaa toban sano.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (4518 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: