Advertisements
Wararka

Hotelkii caanka ahaa Ritz Carlton Riyadh oo lagu soo celiyey sidiisii hore…


Waxaa dib loo howl galiyay sidiisii horana lagu soo celiyay Hotelka caanka ah Ritz-Carlton Riyadh oo bilo kahor loo badelay xabsi lagu xiro amiirada iyo Hantiilayaasha u dhashay Boqortooyada Sacuudiga.

Hotelkan ayaa mudo sadex bilood ahaa xabsi ay ku xirnaayeen Amiiro, Hantiilayaal iyo dad kale oo caan ah, dadkaan ayaana la xiray intii uu socday howlgalkii lagula dagaalamayay Musuq maasuqa.

Sadex bilood kadib ayaa Hotelka Ritz-Carlton waxa lagu soo celiyay sidiisii hore, waxaana hotelkan uu yahay mid aad u qurux badan , waxa uuna yahay mid kamid ah Hoteelada ugu raaxada wanaagsan uguna qaalisan Sacuudiga.

Hotelkan ayaa waxaa lagu xiray Boqolaal qof oo isugu jiray Amiiro iyo Tujaar, waxaana dadkii ku xirnaa Hotelkan dib u heleen xuriyadooda kadib markii laga qaaday lacag ka badan hal bilyan oo Dollar oo qaab madax furasho ah oo kale.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (3821 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: