Advertisements
Wararka

Maamulka Puntland oo sheegay in xeebaha Puntland ay ka tahriibeen dad badan…


Wasaaradda Arrimaha Gudaha Maamulka Puntland ayaa sheegtay sanadkii la soo dhaafay xeebaha Puntland in ay ka Tahriibeen dad tiradooda ay kor u dhaafeyso 35,000 oo qof, kuwaasi oo u badan dhalinyaro.

Dadkan ka Tahriibaya degaanada Puntland ayaa Boqolkiiba Sideetan waxa ay yihiin Itoobiyaan, halka Boqolkiiba Labaatan ay yihiin Soomaali, sida ay sheegtay Wasaaradda Arrimaha Gudaha.

Dadkan ayaa waxaa ay sii maraan dalka Yemen, iyaga oo u jiheysta dhanka Qaaradda Yurub, waxayna la kulmaan dhibaatooyin fara badan, oo loo geysto.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Puntland Maxamed Cali Nuur (Jubba) oo la hadlay BBC-da ayaa sheegay in Puntland arrintan ay wax badan ka qaban doonto, si loo bad baadiyo nolosha dhalinyaro badan oo Soomaaliyeed.

“Dadka Tahriibayaasha ah, Puntland sanadkii hore waxaa soo galay Tahriibayaal gaaraya 1,250 qof, waxayna ka soo galeen dhanka Tukaraq, dadkan waxay ka imaanayaan Itoobiya iyo Koonfurta Soomaaliya, Boqolkiiba Sideetan dadka ka Tahriibay Puntland sanadkii tagay waxa ay yihiin Itoobiya, halka Boqolkiiba Labaatan ay yihiin Soomaali” ayuu yiri Agaasime (Jubba).

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (3083 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Beddel )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Beddel )

Connecting to %s

%d bloggers like this: