Advertisements
Wararka

Militariga Masar ayaa sheegay in ay dileen 16 ka mid ah dagaalamayaasha Islaamiyiinta…


Milateriga wadanka Masar waxa ay shegeen inay dileen 16 kamid ah dagaalamayaasha Islaamiyiinta ee ka dagaalama dalka Masar tan iyo markii gacanka Sinai ay ka bilaabeen howgal ballaran oo ka dhan ah kooxahaasi.

War qoraal ah oo ka soo baxay milateriga Masar ayaa sidoo kale lagu sheegay in milateriga ay burburiyeen dhowr iyo toban goobood iyo gawaari ay lahayeen kooxahaasi , waxaana ay intaa ku dareen in la xiray soddon qof oo looga shakiyaya inay ka tirsanyihiin kooxahaasi Masar ka dagaalama.

Madaxweynaha Masar, Abdel Fattax al-Sisi ayaa milateriga Masar ku amray in muddo saddex bilood gudahood ay kaga adkadaan dagaalamayaasha Islaamiyiinta, kadib markii kooxahaasi ay bishii Novembar ee sannadkii hore ay weerareen Masjid ku yaala Masar, halkaa oo ay ku dileen inkabadan saddex boqol oo qof.

Afhayeen u hadlay milateriga Masar ayaa horay u sheegay in howgalkani lagu ballaarin doono ilaa iyo dhulka saxaraha ee Masar.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (4028 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: