Advertisements
Wararka

Xuska boqol guurada dhalashada Mandela oo Koonfur Afrika lagu qaban doono…


Xisbiga talada haya ee dalka koonfur Afrika ee ANC ayaa bilaabaya debbaaldagga lagu xusaya boqol sano kadib tan iyo markii u dhashay Madaxweynihi hore ee dalkaasi, Nelson Mandela.

Mandela ayaa noqday madaxweynihii ugu horreyay ee madow ah oo dalkaasi hoggaamiyo.

Hogaamiyaha xisbiga Cyril Ramaphosa ayaa khudbad ka jeedin doono fagaaraha xoriyada ee magaalada Cape Town, halkaas oo Nelson Mandela uu khudbadiisi ugu horreysay ka jeediyay kadib markii laga sii daayay xabsiga oo u ku xirna sideed iyo labaatan sano .

Madaxweynaha talada dalka haya ee Jacob Zuma ayaa in muddo ah lagu eedaynayay musuqmaasuqa iyo wax isdabamarin.Xisbiga ANC ayaa cadaadis culus ku saarayo madaxweyne Zuma in uu xilka ka dego.

Horaantii bishan war saxaafadeed kasoo baxay xisbiga ANC kadib kulan ay yeesheen lixda xubnood ee golaha sare ayay ku sheegeen in looga wada hadlay sidii Zuma uu xilka ugu wareejin lahaa Ramaphosa.

Hase ahaate wararka qaar ayaa sheegaya in haatan madaxweyne Jacob Zuma uu diyaar u yahay inuu dhagaysto baaqyada loo soo jeedinayo ee ah inuu xilka ka dego, waa hadii la isla ogolaado shuruudaha uu doonayo.

Muddo isbuuc ku dhow ayaa la isku mari la’aa waxa laga yeelayo mustaqbalka siyaasadeed ee Zuma.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (4518 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: