Advertisements
Wararka

Libaaxyo dilay isla markaasina cunay nin libaaxyada ugaarsan jiray…


Libaaxyo ayaa weerar kedis ah kusoo qaaday nin ugaarsade ah oo doonayay in libaaxyadaasi u gaarsado, waxa ayna libaaxyada si fool xun u dileen ninkaasi ugaarsadaha ahaa.

Dhacdadan ayaa la sheegay in ay ka dhacday kaynta xayawaanka ee Kruger ee dalka Koonfur Afrika, Keyntan ayaa ah mida ugu weyn Wadamada Koonfureed ee Qaarada Afrika waxa ayna ku taalaa xadka dhoor wadan.

Raxan Libaaxyo ah ayaa soo weeraray kadibna hilibkiisa cunay ninkii ugaarsadaha ahaa, waxaana la sheegay in libaaxyada feenteen hilibka ninkaasi ayna ka tageen kaliya Madaxiisa inta kalana cuneen.

Moatshe Ngoepe oo ah Afhayeen u hadlay booliiska Koonfur Afrika ayaa sheegay in raxan libaaxyo ah ay weerar kadis ah kusoo qaadeen ninkan ugaarsadaha ahaa kadibna cuneen, ma sheegin Afhayeenka magaca ninkna iyo halka uu kasoo jeedo.

Dalka Koonfur Afrika waxaa taga dad badan oo ugaarsato ah oo ka taga wadamo kala duwan, dadkan ayaa xayawaanaadka ay ugaarsadaan waxaa kamid ah Libaaxa oo lafahiisa iyo xubnihiisa kale ay qaali ka yihiin dalal Aasiya kuyaala.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (3083 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Beddel )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Beddel )

Connecting to %s

%d bloggers like this: