Advertisements
Wararka

Maamulka Koonfur Galbeed oo heshiis la gaaray shirkad dhiseyso dekedaha Baraawe iyo Marka…


Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa heshiis la gaaray Shirkad laga leeyahay dalka Shiinaha oo lagu wado in ay dhisto Dekedaha magaalooyinka Baraawe iyo Marka ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Shirkadan Shiinaha laga leeyahay ayaa maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya waxa uu kula heshiiyay in ay dhisto sidoo kale balaariso Dekedaha kuyaala magaalooyinka Marka iyo Baraawe.

Shirkada SIIH (Silkroad International Industry Holding) oo bahwadaag la ah Shirkadda Damerjog ee laga leeyahay dalka Jabuuti ayaa sanadkan gudihiisa bilaabi doona dhismaha Dekedda magaalada Marka waxa ayna ku xejin doonaan Dekeda Baraawe.

Heshiiskan oo mid saddex geesood ahaa ayaa shalay Magaalada Djibouti ku wada gaaray Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Shariif Xasan Sheekh Aadan, Gudoomiyaha Maamulka Dekedaha Jabuuti, Abuubakar Cumar Hadi iyo masuuliyiin ka socday Shirkadda SIIH.

Shirkado Shisheeye ayaa inta badan la wareegay Dekeddaha waa weyn ee kuyaala dalka kuwaa oo lagula heshiiyay in ay dhisaan kadibna saami ku yeeshaan wax soo saarka Dekedahaasi ay dhiseen.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (3083 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Beddel )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Beddel )

Connecting to %s

%d bloggers like this: