Advertisements
Wararka

Tiknolojiyada lagu aqoonsado wajiga qofka ee Facebook oo lagu soo oogi karo dacwad…


Maxkamad ku taal gobolka California ee dalka Mareykanka ayaa sheegtay in loo baahan yahay in dacwad wadareed laga keeno shirkadda Facebook ka dib markii ay isticmaashay tiknolojiyadda lagu aqoonsado wajiga qofka.

Dacwadda ayaa lagu sheegay in shirkadda Facebook ay uruurisay xogta gaarka ah ee macaamiisheeda, ayadoo aan ogolaansho cad ka haysan.

Shirkadda ayaa sheegtay in kiiskan aanu ahayn mid awood leh, ayna si weyn isaga difaaci doonto.

Isniintii ayaa xaakim James Donato waxa uu ansixiyay in dad isu tegay oo ka mid ah kuwa adeegsada Facebook ay dacwad kusoo oogi karaan shirkaddaasi.

Haddii uu kiiskan guulaysto ayaa qof kasta oo dadkaasi ka mid ah waxa uu heli doonaa magdhaw.

Xaakim Donato ayaa sheegay in “Facebook uu u muuqdo mid rumaysan in ku xadgudubka shuruucda ay ka dhalan karto magdhaw balaayiin dollar ah.”

Go’aanka ayaa kusoo beegmaya maalmo ka dib markii madaxa Facebook, Mark Zuckerberg, su’aallo adag uu kala kulmay xildhibaannada Maraykanka oo wax ka weydiiyay macluumaadka ay shirkaddiisa ururiso iyo qaabka ay u adeegsato.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (4557 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: