Advertisements
Wararka

Guddiga qaban qaabada doorashada oo si kulul uga jawaabay hadalkii Xoosh…


Guddiga qaban-qaabada doorashada gudoonka golaha shacabka ayaa si kulul uga jawaabay hadal shalay ka soo yeeray Wasiirka Dastuurka Xukuumada Soomaaliya Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil oo sheegay in Wasiirada u sharaxan doorasha gudoonka baarlamanka ay tartami karaan iyagoo aan iscasilin.

Wasiir Xoosh ayaa daba joogay go’aan ka soo baxay guddiga doorashada oo ahaa in Wasiirada u sharaxan xilka gudoonka Baarlamanka ay marka hore iska casilaan xilalka ay Xukuumada ka hayaan haddii kale aysan ka qeyb geli doonin doorashada.

Madaxa Maaliyadda ee Guddiga doorashada gudoonka golah shacabka Xildhibaan C/llaahi Maxamed Shaacir ayaa sheegay in guddigoodu uu yahay mid madax banaan, Wasiirka Dastuurkana uusan faraha la soo geli karin shaqadooda, waxaana uu sheegay iney iyagu yihiin kuwo uu Baarlamaanka arrintan u xil saaray.

Waxa uu sheegay in Dastuurka uusan ku jirin qodob sheegaya in Wasiir uusan isa sharixi Karin iyo in uu isa sharixi karo, laakiin loo baahan yahay in meel dhexe la isugu yimaado.

Hadalkii ka soo baxay Wasiirka Dastuurka Soomaaliya Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil ayuu xildhibaanku sheegay inuusan wax saameyn ah ku yeelan doonin go’aankii ay ka soo saareen wasiirada musharaxiinta ah.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (3784 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: