Advertisements
Wararka

Maxkamad Belgium ah ayaa 20 sano oo xabsi ah ku xukuntay Salah Abdul Salam…


Maxkamad ku taala dalka Belgium ayaa maanta oo Isniin ah ku xukuntay min labaatan sano oo xabsi ah Salah Abdul Salam iyo Sufian Ayari kadib markii lagu helay eedeymaha ah in ay sharciyeysteen dil dabada ku hayo arrimo aragagixiso dhacdadii rasaasta lagu furay Booliska dalka Belgium sanadkii 2016.

Xukunkan ayaa la mid ah inta uu maxkamada ka dalbaday dacwad oogaha.

Inkasta oo Qareenka Abdul Salam 28 jir ah,isku dayey baahida loo qabo in la bari yeelo qofka uu wakiilka u yahay khaladaadka dacwada awgeed, hadana dacwad oogayaasha ayaa ku eedeeyey in uu sharciyeystay dil, intii lagu guda jiray is rasaaseyn ka dhacday Brussels bishii March 2016, inta aan la soo xirin ka hor, waxay dalbadeen xabsi 20 sano ah.

Wakaalada wararka ee Belgium ayaa xustay in Abdul Salam iyo Ayari ayna hor iman maxkamada.

Abdul Salam ayaa lagu tiriyaa qofka keliya ee ka badbaaday jameecadii lagu eedeeyey fulinta weeraradii ka dhacay caasimada Faransiiska ee Paris bishii November sanadkii 2015 oo ay ku dhinteen 130 qof, kadibna Abdul Salam wuxuu u baxsaday dalka Belgium.

28-jirka reer France ayaa laga soo xiray magaalada Brussels kadib markii ay isku dhaceen booliska.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (4577 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: