Advertisements
Wararka

Rasaas xoogan oo laga maqlayo gudaha iyo hareeraha xerada Jeneral Gordan…


Waxaa goordhaw iska hor imaad uu ka bilowday gudaha iyo hareeraha xerada Jeneraal Gordan oo ah halka ay degan yihiin Ciidamada ay tababareen dowlada Imaaraatka Carabta ee dhawaan la wareegtay Dowlada Soomaaliya.

Rasaas xoogan ayaa laga maqlayaa xerada Generaal Gordan iyo hareeraheeda, waxaana wararka aan heleyno sheegaaan in ay dagaalamayaan ciidano kawada tirsan kuwa Imaaratka tababareen.

Wali lama oga waxa uu salka ku hayo iska hor imaadka u dhaxeeya ciidankan kawada tirsan dowlada, waxaana rasaasta ay ciidankan is dhaafsanayaan gaarayaan xaafado ka baxsan halka uu dagaalku ka soco.

Saraakiishii Imaaraatka ayaa isaga baxay xerada Generaal Gordan ay ku tababarayeen ciidanka Milatariga, Imaaraatka ayaana xeradaasi kala baxay agabkii muhiimka ahaa ee u yaalay.

Iska hor imaadkan ayaa kusoo adayaa xili maalin kahor Dowlada Soomaaliya si buuxda ula wareegtay xerada Imaaraatka , waxaana ciidankii Imaaraatka tababareen loo bixiyay Guutada Daljir.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (5173 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: