Advertisements
Wararka

Prince William iyo Kate Middleton ayaa soo dhoweeyey ilmahoodii seddaxaad…


Wiil cusub ayaa kusoo biiray qoyska boqortooyada Ingiriiska, Prince William iyo xaaskiisa Kate Middleton aya soo dhoweeyey ilmahoodii seddaxaad.

Catherine ayaa isbitaalka loo qaaday xili hore shalay, waxayna kama dambeys dhashay wiil, kaas oo noqonaya kan shanaad ee leh dhaxaltooyada.

War qoraal ah oo kasoo baxay qasriga boqortooyada ayaa lagu sheegay in wiilka iyo hooyadiisba uu caafimaadkooda wanaagsan yahay.

Ra’isulwasaaraha Britain Theresa May ayaa hambalyo u dirtay qoyska. Ka hor inta uusan dhalan ilmahan oo aanan la ogeyn ayaa waxaa horey loo sii diyaariyay magacyadii loo bixin lahaa lab iyo dhedig midka uu noqdo.

Magacyada wiilka loo xuli doono waxaa ka mid ah Arthur, Albert, Frederick, James iyo Philip.

Lammaanahan waxa ay horey u heysteen wiil iyo gabadh.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (3784 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: