Advertisements
Wararka

Senator Goonjeex ayaa sheegay in hantidii qaranka ay gacanta u gashay shakhsiyaad…


Senator Cabdi Waaxid Cilmi Goonjeex oo ka mid ah Xildhibaanadda Aqalka Sare ayaa sheegay in wixii ka dambeeyey burburkii Sanadkii 1991 dalka uu ka dhacay musuq maasuq ballaaran kaas oo saameeyay hantidii Qaranka.

Waxa uu sheegay in dhammaan hantidii qaranka uu lahaa uu gacanta u galay Shaqsiyaad kuwaas oo u baahan in lala xisaabtamo.

Xukuumadda Soomaaliya ayuu Senator Cabdi Waaxid Cilmi Goonjeex ugu baaqay in ay warka soo saarto hantida qaranka ee la boobay si guddiga madaxa banaan ee la-dagaalanka musuq maasuqa ay Shaqadooda u fududaato.

Hadalka Senator Cabdi Waaxid Cilmi Goonjoox ayaa ku soo aadaya xilli dowladda Soomaaliya ee hadda jirta ay marwalba ku celceliso in ay la-dagaalami doonto musuq maasuqa.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (4577 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: