Advertisements
Wararka

Xiddiga reer Masar Mohamed Salah oo loo hadiyeeyey dhul magaalada Makka…

Soccer Football - Premier League - Liverpool vs Everton - Anfield, Liverpool, Britain - December 10, 2017 Liverpool's Mohamed Salah celebrates scoring their first goal Action Images via Reuters/Lee Smith EDITORIAL USE ONLY. No use with unauthorized audio, video, data, fixture lists, club/league logos or "live" services. Online in-match use limited to 75 images, no video emulation. No use in betting, games or single club/league/player publications. Please contact your account representative for further details. - RC11DBDEF4F0

Mohamed Salah xiddiga Masar iyo Liverpool ayaa maalinba maalinta ka dambeysa xaaladiisa dhinaca ciyaaraha sii wanaagsanaaneysa, kadib guushiisa ciyaaryahanka ugu fiican ee Premier League xili ciyaareedkan ayaa waxaa u soo kordhay dhul looga hadiyeeyey qeybtii addunka ugu daahirsaneyd ee Makka.

Ku-xigeenka madaxa golaha deegaanka ee magaalada Makka, Fahd al-Roqi, ayaa sheegay in mas’uuliyiintu ay go’aansatay in ay Salah u hadiyeeyeen dhul magaalada Makka al-Mukaramah.

“Sababaha hadiyada naga qasabtay inaan iclaamino waa taageero la rabo in ay dhalinyarada ku daydaan sida Captain Mohamed Salah, haddii uu doonayo inuu ka faa’ideysto qiimaha dhulka wuu iibin karaa, lacagtana waa lagu salimayaa”.

Wuxuu intaa ku daray in “hadiyadda tani tahay oo kaliya xurmeyn xiddiga reer Masar oo loo yaqaano “Abu Makka” akhlaaqdiisa iyo anshaxiisa qaaliga ah, waana kan ugu kheyrka badan faafinta dulqaadka ay huwanta tahay diinta Islaamka dalka Britain, wuxuu kaloo yahay qof lagu daydo iyo safiirka Muslimiinta Britain, dadka reer Makka ayaa u haya xurmo iyo ixtiraam”.

Salah ayaa hogaaminaya kulanka adag ee caawa kooxdiisa Liverpool ay la yeelaneyso kooxdiisii hore ee Roma, iyaga oo ku tartamaya wareega semi finalka Champions League.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (4577 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: