Advertisements
Wararka

Cayaartooyda Xulka kubada cagta Somalia ee U17 oo u soo baxay finalka tartanka…


Xulka Kubadda Cagta Soomaaliya ayaa ku matalaya tartanka Cecafa ee cayaartooyda da’doodu ka yar tahay 17ka sano ayaa ugu danbeyntii xaqiiqsaday in ay u soo baxeen Finalka tartanka kaddib markii ay 1-0 uga adkaadeen xulka Qaranka Uganda.

Qeybtii hore ee cayaarta waxaa Rigoore loo dhigay aan ka faa’ideysan xulka kubadda Cagta Uganda, tasoo ka dhigtay in wareegga hore lagu kala nasto 0-0.

Hase ahaatee wareegii danbe ee cayaarta markii leysku soo laabtay ayey xulka kubadda Cagta Soomaaliya Goolkoodii ugu horeeyay helleen kaasoo uu u dhaliyay Farxaan Duqoow, waxaana uu Goolkasi noqday mid u horseeda cayaartooyda Soomaaliya in ay u soo gudbnaan Lugta ugu danbeysa tartanka.

Horay waxaa ay uga soo badiyeen xulka Kenya 1-0 waxaana muuqata in dhalinyarada da’doodu ka yar tahay 17 sano soo bandhigayaan cayaar xirfad sare leh tartanka oo ka soconaya dalka Burundi.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (5173 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: