Advertisements
Wararka

Murashaxiinta u tartamaya xilka Gudd. Golaha Shacabka oo la dhageysan doono…


Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta dhageysan doona khudbadaha Murashaxiinta u tartamaya Xilka guddoomiyaha Golaha Shacabka.

Murashaxiinta buuxiyay shuruudihii looga baahnaa ayaa waxa ay gaarayaan 11 Musharax, waxaana maanta ay dhamaantood hortagayaan Xildhibaanada Golaha Shacabka.

Guddiga qaban qaabada Doorashada Guddoomiyaha Golaha ayaa Xildhibaanada iyo Murashaxiinta ka codsaday in ay waqtiga ilaaliyaan oo ay ku soo xaadiraan waqtiga loogu tala galay.

Guddoomiyaha Guddiga Doorashada Xildhibaan Nuur Iidow Bayle ayaa sheegay in ay maanta si rasmi ah u bilaabaneyso khudbad jeedinta Murashaxiinta, murashaxiintuna ay u kala hadlayaan sida ay u kala horeeyeen.

Gelinka dambe ee ilaa berri ayay ku ektahay hadal jeedinta Murashaxinta u tartamaya xilka Guddoomiyaha, waxaana lagu wadaa in 30-ka bishan oo ku beegan Isniinta soo socota ay dhacdo Doorashada Guddoomiyaha.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (4577 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: