Advertisements
Wararka

Madaxweyne Gaas: Somalia ma’aha Mogadishu, Mogadishana ma’aha Somalia…


Madaxweynaha dowlad gobolleedka Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas oo warbaahinta caalamka kula hadlayay magaalada Dubai ayaa sheegay in Puntland u madax-bannaan tahay in ay gasho heshiisyo caalami ah sida uu dhigayo ayuu yiri dastuurka dowlad gobolleedka.

Madaxweyne Gaas ayaa meesha ka saaray in dowladda Dhexe matali karto guud ahaanba dalka Soomaaliya isaga oo yiri ‘’ Awooda dalka Soomaaliya oo dhan ma’aha mid ku Uruursan Muqdisho, ‘Soomaaliya ma’aha Muqdisho ‘ Muqdisha-na ma’aha Soomaaliya.

Abdiweli Gaas wuxuu sheegay in Puntland Somalia dhul ahaan ka tahay 3 meelood hal qeyb, dad ahaana ka tahay 4 qeybood hal qeyb, Puntland tahay dowladda kaliya saaran badda cas iyo badweynta India, Dastuurka Puntland qorayo in ay heshiisyo caalami ah geli karaan, kuna dhaqmayaan dastuurkooda, dowladda Soomaaliya go’aan ka gaari karin arimaha Soomaaliya.

Gaas ayaa sidoo kale shirkiisa jaraa’id ku sheegay in Imaaraatka uu yahay dalka kaliya ee taageera maamulkiisa islamarkaana yahay Imaaraatka dal ay wadaagaan Ganacsiga.

Waxaa uu sheegay in Imaaraatka uu kala dhaxeeyo xiriir dhinaca nabad-galyada ah, gaar ahaan la dagaalanka tahriibka, argagixisada, burcad badeeda iyo waliba kalluumeysiga sharci darrada ah.

‘Heshiiska aan la galnay DP World waxaa uu noqonayaa maalgashigii ugu wanaagsanaa ama ugu ballaarnaa ee sameyno tan iyo markii ay bur burtay dowladdda dhexe ee Soomaaliya 1991kii’’ ayuu yiri Cabdiwali Maxamed Cali Gaas oo siweyn u amaanay doorka Imaaraatka ee Soomaaliya.

Maalgashiga shirkadda DP World ayuu ku tilmaamay mid hormar u keeni kara guud ahaanba gobolka, gaar ahaan shaqo abuur loo sameynayo Kumannaan dhalinyaro ah shaqa la’aantu heyso.

Shirka jaraa’id madaxweynaha dowlad gobolleedka Puntland ayaa imanaya kadib waayadii ugu danbeeyayba khilaaf cirka isku shareeray oo u dhaxeeyey dowladda federaalka Soomaaliya iyo Imaaraatka kaa oo ka soo bilaawday go’aankii ay dowladda Soomaaliya ka qaadatay khilaafka wadamada Khaliijka, hase ahaatee xoogeystay tan iyo wixii ka danbeeyay markii ay dowladdu qabatay diyaarad laga lahaa Imaaaraadka oo  lacag malaayiin dollar ah ka soo dajisay garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (4577 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: