Advertisements
Wararka

Mike Pompeo oo noqday Xoghayaha arrimaha dibada ee Mareykanka…

WASHINGTON, DC - APRIL 12: Secretary of State nominee Mike Pompeo speaks during his confirmation hearing before a Senate Foreign Relations Committee on Capitol Hill, on April 12, 2018 in Washington, DC. President Trump nominated Pompeo to replace Rex Tillerson as Secretary of State. (Photo by Mark Wilson/Getty Images)

Afhayeenka Wasaarada Arrimaha dibada Mareykanka Heather Nauert, ayaa waxay shaaca ka qaaday safarka ugu horeeya ee wasiirka arrimaha dibada ee cusub Mike Pompeo oo xafiiska la wareegay kadib markii aqalka Senate-ka ansixiyeen magacaabistiisa maanta oo khamiis ah asaga oo bedelaya Rex tillerson.

Waxa ay Nauert xaqiijisay in Pompeo safarkiisa ugu horeeya ku tagayo caasimada Belgium ee Brussels si uu uga qeyb noqdo kulanka NATO, inta uusan u gudbin dalka Sacuudi Carabiya magaalada Riyadh.

Ka dib Riyadh wuxuu booqan doonaa dalalka Israel iyo Urdun.

Pompeo ayaa noqonaya Xoghayihii arrimaha dibada ee Mareykanka kii 70aad taariikhda Mareykanka, kadib markii ay ansaxiyeen aqalka Senate-ka.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (3784 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: