Advertisements
Wararka

Halyeyga Barcelona Andres Iniesta oo ugu dambeyn ka tagi doona Barca…


Halyeeyga Barcelona Andres Iniesta ayaa ka tagi doona kooxda reer Spain dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Spain oo 33 jir ah ayaa saftay 669 kulan oo 16 xilli ciyaareed, isagoo 31 koob la qaaday Barca iyo seddex koob oo waaweyn oo Spain ah.

Iniesta, oo lala xiriirinayay inuu u dhaqaaqayo horyaalka China Super League, ayaanan sheegin halka uu ka ciyaari doono xilli ciyaareedka soo socda.

“Waxaan u sheegay inaan marnaba ciyaar uga hor iman doonin Barca taasi micnaheeda inaan ka ciyaari doonin naadi Yurub ah”. ayuu yiri.

“Waan ogaan doonaa dhamaadka xilli ciyaareedka – weli waxaa jira waxyaabo kale oo laga hadli doono”.

Iniesta wuxuu ku guuleystay koobkii adduunka 2010, Euro 2008 iyo Euro 2012, sidoo kale afar Champions League iyo sideed horyaalka La Liga ah oo mar dhow sagaal noqon doono.

Iniesta

“Waa maalin adag in aan halkaan ku iraahdo nabad gelyo , iyada oo aan halkan nolosheyda oo idil ku qaatay,” ayuu ku sheegay shir jaraa’id oo dareen lahaa oo ay daawadeen qoyskiisa, saaxiibadiisa iyo maamulaha kooxda Barca Ernesto Valverde.

Isagoo gadaal u celinaya ilmadiisa ayuu yiri: “Waxaa qeyb ka qaatay qofka aan ahay Barca iyo La Masia – aad ayaan ugu mahadcelinayaa iyaga.

“Waxaan la hadlay dad badan – ciyaartoy, tababarayaal – waan ogahay waxa ay doonayaan, laakiin waxaan isku dayay inaan daacad u ahaado naftayda iyo kooxda.”

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (4577 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: