Advertisements
Wararka

Haweenay u eg Donald Trump oo laga helay tuulo ku taal dalka Spain…


Haweeney aad ugu eg madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa laga helay tuulo ku taal dalkaasi Spain. Magaceeda ayaa lagu sheegay Dolores Leis Antelo, waana beeraley aan ka war qabin waxa caalamka ka socda maadaama eysan haysan wax taleefan ah iyo internet.

Gabar joornaaliiste ah oo lagu magacaabo Paula Vázquez oo tuuladaasi dalxiis u tagtay ayaa sawir kasoo qaaday, waxaana ay soo galisay baraha burshada sidaasna ay daqiiqado gudeheeda ku caan-baxday.

Haweeneydan oo ku nool tuulada Cabana de Bergatiños ayaa qirtay in markii ay aragtay sawirka Donald Trump ay yara is shabahaan.

Iminka ayaa waxaa ay sheegtay in ay taleefanada casriga ah soo iibsan doonto islamarkaana ay aduunweynaha wax la qeybsan doonto “maadaama ay caan noqotay”.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (3821 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: