Advertisements
Wararka

Madaxda seddax hay’adood oo korjoogto ka noqon doona doorashada…


Guddoomiyaha Guddiga doorashada guddoonka Golaha Shacabka Nuur Iidow Bayle oo Warbaahinta kula hadlay Muqdisho ayaa sheegay in doorashada ay kaliya kor joogto ka noqon doonaan masuuliyiinta saddex ka mid ah heyadaha dowladda.

Waxaa uu sheegay in madaxda heyadaha korjoogtada ka noqon doona doorashada ay kala yihiin, Guddoomiyaha aqalka Sare Cabdi Xaashi C/llaahi, Guddoomiyaha Maxkamada Sare Ibraahim Iidle Suleymaan iyo Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka Qaranka Xaliimo Yarey.

Musharaxiin 11 gaaraya oo dhammaantood ka soo jeeda beelaha dega gobolada Koonfur galbeed Somalia ayaa 30-ka bishan Apriil oo ku beegan Isniinta soo socota ku tartami doona doorashada guddoomiyaha Golaha Shacabka.

Qaar ka mid ah musharaxiinta ayaa rajo wanaagsan ka qaba in loo doorto xilka gudoomiyaha golaha shacabka halka qaar kalena rajadoodu aad u liidato, waxaa si weyn loo wada sugayaa doorashadan oo shacabka Soomaaliyed ay indhaha ku wada hayaan.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (3821 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: