Advertisements
Wararka

Nin mindi ku hubeysanaa oo arday ku laayey dalka Shiinaha…


Sagaal ardey ayaa la dilay, 10 kalena way dhaawacmeen ka dib markii nin mindi ku hubeysan uu weeraray iyagoo ka soo baxaya iskuul ku yaalla Waqooyiga dalka Shiinaha, sida ay saraakiisha dalkaasi sheegeen.

Ninka weerarka qaaday waxaa la sheegay inuu ahaa ardey iskuulkaasi dhiganayay oo ka aargudanayay xad gudub uu sheegay in horey loogu sameeyay.

Weerarka wuxuu ka dhacay degaanka Shanxi ee gobolka Mizhi. Waxaa la sheegay in ardeyda ay ku sii socdeen guryahooda, iyadoo Ninka laga shakiyay uu hadda ku xiran saldhig ciidan.

Booliska dalka Shiinaha ayaa ninkaasi magaciisa ku sheegay Zhao oo 28 sano jir.

Baaritaanka hordhaca ah waxay ku ogaadeen in sababta weerarka uu yahay in ninka uu aargudanayay ka dib markii lagu xadgudbay. Wuxuu dhiganayay fasalka seddaxaad ee dugsiga sare.

Ardeyda Iskuulkaasi dhigata waxay da’dooda u badan tahay 13 illaa 14 jirro.

Sidoo kale, waxay booliska sheegeen in ardeyda dhimatay ay kala yihiin toddobo gabdhood iyo laba wiil.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (5173 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: