Advertisements
Wararka

Qarax ismiidaamin ah oo askar ku dhimatay oo ka dhacay magaalada Gaalkacyo…


Inta la xaqiijiyay Seddax ruux ayaa ku geeriyootay 6 kalana dhaawac ayaa soo gaaray kaddib markii Saakay Magaalada Gaalkacyo uu ka dhacay Qarax Ismiidaamin ah ay warbaahinta xaqiijiyeen maamulka gobolka Mudug.

Dadka dhintay badankood oo ah Askar ka tirsan ciidamada Isku dhafka ah ee Gaalkacyo ka howlgalaayay bilihii lasoo dhaafay.

Qof Isku soo xiray wax-yaaha Qarxa ayaa beegsaday gaari ay saarnaayeen Saraakiil ka tirsan ciidamada isku dhaf ah sidda ay sheegeen maamulka gobolka Mudug.

Dadka dhintay ayaa waxaa ka mid ahaa Gaashaanle Sare Cabdi xukun Cabdullaahi Maxamuud (Xoreeye) oo ahaa taliyihii ciidamada militariga ee Isku dhafka ahaa ee gobolka Mudug ka howlgalayay iyo C/qani Axmed Geyre oo ka mid ahaa saraakiisha ciidamada.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (4577 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: