Advertisements
Wararka

Boqorka Sacuudiga oo dhegax dhigay mashruuc weyn oo loogu talagalay madadaalo…


Toban maalmood ayaa laga joogaa markii al furay tiyaaterkii ugu horeeyey dalka Sacuudiga magaalada Riyadh, kaasi oo soo afjaray maqnaanshaha adeeggan oo afartan sanadood qaatay, kadib markii Maamulka ku dhowaaqay tiro mashaariic madadaalo oo ku baxeysa boqolaal balaayiin oo dollar ayaa dadka qaarkii waxay ka muujinayaan shaki mira dhalkiisa.

Hadaba shalay oo sabti aheyd ayaa Boqorka Sacuudiga Salmaan bin Cabdulaziz dhegax dhigay mashruuc weyn oo madadaalo oo cusub oo loogu magac daray al-Qaddiyah.

Mashruucan ayaa ku fadhiya dhul gaaryo cabirkiisa 334 km oo laba jabaaran, waxay noqon doontaa magaalo loo madadaalo tago oo laga heli doono noocyada kala gedisan ee madadaalo.

Mashruuca ayaa sidoo kale ka mid noqon doona meelaha fasaxyada iyo marti gelinta xafladaha dhaqanka lagu qabto, si Boqortooyada looga dhigo meel loo tago dalxiiska madadaalada, waxay sidoo kale aheyd dalka Sacuudiga xarun diimeed oo malaayiin Muslimiin ah ay u tagaan Xajka iyo Cumrada sanad kasta.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (5176 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: