Advertisements
Wararka

Gudd. Aqalka sare oo Xildhibaanada ka dalbaday in mushaarka bishan lagu caawino…


Gudoomiyaha golaha Aqalka sare Cabdi Xaashi Cabdulaahi ayaa sheegay in maanta diiradda lagu saaray kulankii Xildhibaanada Aqalka Sare u gurmashadda dadka ku dhibaateysan magaalada Beledweyne ee ay saameeyeen daadad ku dhuftay Magaaladaasi.

Guddoomiyaha Aqalka Sare ayaa xildhibaanada Aqalka Sare ka dalbaday in lacagta ay Bishaan mushaar ahaan u qaadanayaan in ay ku caawiyaan alaalahooda ku dhibaateysan gobolka Hiiraan

Qaar ka mid ah xildhibaanada Aqalka Sare ayaa sheegay in loo baahan yahay in si wadajir ah looga qeyb galo, maadaama dadkii ka barakacay magaalada ay ku sugan yihiin xaalad adag.

Gudoomiyaha Aqalka Sare ayaa ugu dambeyntii ku dhawaaqay guddi ka kooban 8 xubnood oo loogu tala galay in ka qeyb qaataan gurmadka loo fidinaayo dadka ku dhibaateysan Baledweyne.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (4577 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: