Advertisements
Wararka

Idaacad ku hadasha magaca haweenka la furay ee Garoobada dalka Masar…


Waxaa dalka Masar laga furay idaacad ku hadasha magaca haweenka la furay ee Garoobada, waxay ka hadashaa dhibaatooyinka iyo khataraha sidii xal loogu heli lahaa iyo sidii loogu wacyigelin lahaa haweenkaasi siday xuquuqdooda u soo dhacsan lahaayeen, waxaa la diiwaan geliyey qiyaastii laba boqol oo kun oo kiis oo furiin ah sanadkii 2015kii, koror 10% marka loo eego sanadkii ka horeeyey.

“Radiyaha haweenka la furay” waa adeeg ay bilowday haweeney la yiraahdo Muxasin saber oo ku kooban dhinaca Internet-ka, waxay ka soo tebisaa goob Internet ee gobolka Bari ee Masar.

Muxasin ayaa u aragtay iyada oo ah haweeney la furay in ay u gudbiso talooyin lagama maarmaan ah iyo waayo aragnimadeeda si ay u badbaadiso nolosha qoyska.

Dadka Masaarida ayaa isku khilaafay arrintani, haweenka ayaa u arkay mushruucan tijaabo tusaale wanaagsan, halka qaar kale oo ragga ka mid ah qabaan in lagu dhiiri gelinayo furiinka.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (4557 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: