Advertisements
Wararka

Amaanka Xarunta Golaha Shacabka oo aad loo adkeeyey doorashada dhaceysa awgeed…


Waxaa siweyn loo adkeeyay amaanka xarunta Golaha Shacabka, maadaama maanta oo Isniin ah ay dhaceyso doorashada Gudoomiyaha Golaha Shacabka.

Ciidamada Booliska Soomaaliya oo garab ka helaya kuwa Midowga Afrika ee AMISOM ayaa xiray wadooyinka ku dhaw dhaw xarunta Golaha Shacabka, waxaana halkaasi loo diidayaa in ay maraan mootooyinka Bajaajta iyo gaadiidka dadweynaha.

Gaadiidka ay wataan mas’uuliyiinta dowladda ee maraya agagaarka xarunta Golaha Shacabka ayaa laftirkooda la hubinayaa si looga hortago falal ka baxsan amniga inta ay socoto doorashada.

Saraakiil ka tirsan Hay’adaha nabad-galyada ayaa sheegay in xalay saq dhexe ay ciidamo dheeraad ah geeyeen aagga xarunta Golaha Shacabka, kuwaasi oo ka qeyb qaadanaya sugidda ammaanka.

Doorashada Gudoomiyaha Golaha Shacabka ayaa waxaa u tartamaya ilaa 11 Musharax, waxaana Hotelada magaalada Muqdisho ka socday kulamo gaar gaar ah oo looga arinsanayo doorashada maanta dhaceysa.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (3821 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: