Advertisements
Wararka

Mozambique oo go’aansatay in la gudo in ka badan boqol kun oo rag ah…


Mozambique ayaa waxay go’aansatay in la gudo in ka badan 100,000 oo rag ah si ay uga hortagaan cudurada la isugu gudbiyo galmada oo ay ku jiraan HIV / AIDS.

Mas’uuliyiinta caafimaadka ee gobolka dhexe ee Zambeziya ayaa sheegaya in ololahooda ay diiradda ku saari doonaan magaalooyinka gudniinka aan caadiga ka aheyn.

Tani waa marxaladdii labaad ee mashruuca, oo bilowday sannadkii hore, iyada oo gudniin loo sameeyey 84,000 oo qof oo ku nool gobolka.

Abdel Razak oo ah dhakhtar iyo guddoomiye gobolka Zambeziya oo ka mid ah gobolada ugu dadka badan dalka Mozambique, ayaa taageeraya ololaha.

“Waxa aan rabo inaan xoogga saaro waa in gudniinka iyo tallaabooyinka kale oo la isticmaalo si looga hortago isu gudbinta cudurrada, sida HIV,” ayuu yidhi.

Inkasta oo nidaamkani yahay mid guud ahaan qofku uu doorto ama ikhtiyaari, ragga waxaa lagu dhiirigelinayaa in ay qaataan gudniinka sababta oo ah isbeddel ayuu ku sameeyaa ka hortagga infekshanka HIV.

Qiimaha uu ku kacayo gudniinka ragga ee gobolka Zambeziya ayaa ah in ka badan $ 1 milyuun.

Sida laga soo xigtay Ururka Caafimaadka Adduunka (WHO) ayaa ku sheegay gudniinka ragga uu yareeyo khatarta cudurka HIV ku dhowaad 60 boqolkiiba.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (3784 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: