Advertisements
Wararka

Natiijada wareega koobaad ee doorashada Gudd. golaha Shacabka oo soo baxday…


Waxaa goordhaw soo dhamaatay tirinta codadka wareega koobaad ee Doorashada Gudoomiyaha golaha Shacabka , waxaana wareega koobaad ku tartamayay 10-Murashax.

Tirinta codadka oo goordhaw soo dhamaatay waxaa hogaaminaya Murashax Maxamed Mursal Shekh Cabdiraxman oo helay codad gaaraya 83 cod halka uu kaalinta labaad soo galay Murashax Ibraahim Isaaq Yarow oo helay 69 waxaana wareega koobaad ka soo baxay ilaa 4 Musharax.

Kooromka ayaa ahaa 266 xildhibaan oo soo xaadirtay, cod xumaadayna ma jirin.

Halkan ka Akhriso sida Murashaxiinta codadka u kala heleen.

1- Xildhibaan Maxamed Mursal Sh 83 Cod

2-Xildhibaan Ibraahim Isaaq Yarow 69 Cod

3- Xildhibaan C/casiis Xasan Maxamed Laftagareen 54 cod

4- Xildhibaan Shariif Maxamed Cabdalla 19 cod

5-Xildhibaan Cali Sheekh Nuur 16 cod

6- Xildhibaan Saalim Caliyow Ibrow 7-cod

7- Xildhibaan Maxamud Macalin Yaxye 7-cod

8- Xildhibaan Shariif Sheekhunaa Maye 5-cod

9- Xildhibaan Idris Cabdi Dhaqtar 3 cod

10-Xildhibaan Iimaan C/laahi Nuur. 3-cod

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (5173 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: