Advertisements
Wararka

Sajid Javed oo ina Pakistan Muhaajir ah oo noqday Wasiirka Arrimaha Gudaha Britain…


Ra’iisul Wasaaraha Britain Theresa May ayaa Isniinta maanta u magacaawday Sajid Javed inuu noqdo Wasiirka Arrimaha Gudaha, bedelka Amber Rudd oo iska casishay xafiiska Maalintii Axada aheyd, kadib markii ay ku soo baxeen dhowr fadeexad oo ku saabsan sida ay ula macaamishay muhaajiriinta ka soo jeeda jaseeradaha Caribbean-ka.

Javed oo 48 jir ah ayaa ah ina soo galooti Pakistan ah, wuxuu ahaa Wasiirka dowladaha hoose, ka horna wuxuu ahaa maamulaha Deutsche Bank.

Waxaa la rumeysan yahay in Javed uu ka mid yahay Xildhibaanadii ugu horeeyey ee ka soo jeedo dadka laga tirada badan yahay ee madowga iyo Asian-ka dalka Britain oo qabta xilka Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Britain.

Waxa si wadajir ah u soo dhaweeyay xubnaha xisbiga Muxaafidka (Conservative) ee talada dalka haya magacaabista Javed ee xafiiska, walow qaar kale ka soo horjeestay magacaabidan, waxay ku cambaareeyeen war uu siiyey wargeyska Sunday Telegraph oo ka hadlay fadeexada Amber Rudd, waxay u arkaan inuu isku soo muujinayey inuu buuxiyo booskan.

Magacaabista Javed ayaa timid saacado ka dib markii si qasab ah Rudd ay isku casishay ka dib markii ay ogolaatay in ay warqad u dirtay Theresa May aan si ula kac aheyn been ugu sheegtay.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (4577 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: