Advertisements
Wararka

Trump iyo Macron oo geed ay si wadajir ah ugu beereen beerta aqalka cad oo la siibay…


Barxadda beeraha ee aqalka cad ee Mareykanka ayaa waxaa laga waayay oo la siibay geed ay dhowaan si wadajir ah ugu aaseen amaba tallaaleen halkaasi madaxweynayaasha Fransiiska iyo Mareykanka.

Madaxweynaha Fransiiska Emmanual Macron ayaa geedkan hadiyad ahaan ugu keenay madaxweynaha Mareykanka Donald Trump xilli uu booqasho rasmi ah ku yimid Mareykanka maalmo ka hor, waxaana uu geedkaasi kasoo jaray keyn Fransiiska ku taal taas oo lagu dilay in ka badan 2000 oo askar mareykan ah dagaalkii koowaad ee adduunka, 1918-kii.

Maqnaanshaha geedkan oo uu tabiyey sawir-qaade wakaaladda Reuters u shaqeeya ayaa warbaahinta usoo bandhigay, tan iyo markaasi waxaa lala yaabanaa cida siibtay iyo halka la geeyay.

Aqalka Cad ayaa maalmo kadib shaaca ka qaaday in ay iyagu ka siibeen geedka meeshaasi kaas oo looga shakiyay in uu “sumeeyo” geedaha kale ee barxadda ku yaal maadaama eysan isku geyi ka bixin.

Waxa ay sheegeen in geedkaasi laga siibay goobtii ay ku tallaaleen labada madaxweyne, lana geyn doono goob munaasib ku ah.

Arrintan ayay dad badani u qaateen xushmo-darro lagula kacay madaxweynaha Fransiiska maadaama geed uu soo xamaalay ilaa iyo fransiiska si sahlan loo siibo marki sawirrada tallaalka lagu galay.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (5164 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: