Advertisements
Wararka

Weerar ismiidaamin oo dad badan ku dhintay oo ka dhacay magaalada Kabul Afghanistan…


Ilaa 21 ruux ayaa lagu waramayaa in ay ku geeriyoodeen weerar Ismiidaamin ah oo goor dhaw ka dhacay magaalada Kabul ee dalka Afghanistan, waxaana dadka dhintay ka mid ah Afar Wariye.

Saraakiisha gobolka ayaa sheegay in qaraxyada ay ka dhaceen aaga Shashdarak oo ka tirsan caasimadda dalkaasi ee Kabul.

Qaraxa hore oo ahaa Qof Naftii halige ah oo isku soo xiray walxaha Qarxa ayaa isku qarxiyay xarun Laamaha amaanka Afghanistan ay leeyihiin oo ku taalo magaalada Kabul, sida laga soo xigtay Afhayeen u hadlay wasaaradda Arrimaha gudaha dalkaasi.

Sidoo kale, Qaraxa labaad oo ku dhacay 20-daqiiqo gudahooda kaddib Qaraxii koowaad ayaa saameynta ugu ballaaran waxay ka soo gaartay kooxo Gurmad Caafimaad iyo wariyeyaal goobta soo gaaray, sida warbixintu ay sheegeyso.

Afhayeenka Wasaaradda caafimaadka ee dalka Afghanistan ayaa sheegay in weerarka ay ku dhinteen ku dhawaad 21-ruux halka 27-kale ay ku dhaawacmeen.

Wakaalada Wararka ee AFP, ayaa ku warantay in Wariye sawir qaade u ahaa,Shah Marai,uu ka mid noqday dadka ay qaraxyada waxyeelo ka soo gaartay.

Ilaa iyo hadda ma cada cida ka danbeysay Qaraxyada ka dhacay magaalada caasimadda ah ee Kabul oo ku soo aaday xilli subax hore ay tahay oo dadka ay shaqooyin iyo waxbarashada ay u jarmaadayeen.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (4577 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: