Advertisements
Wararka

Ergeyga gaarka ee QM oo hambalyo u diray afhayeenka cusub ee Golaha Shacabka…


Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobey u qaabilsan soomaaliya Ambassador Micheal Keating ayaa hambalyo waxaa uu u diray afhayeenka cusub ee Golaha shacabka, kaa oo shalay Muqdisho lagu doortay.

Ambassador Keating ayaa sidoo kale ku amaanay xildhibaanada Golaha shacabka qaabka daah-furnaanta leh ee ku guteen waajibkooda.

Dhanka kale Micheal Keating ayaa u mahad celiyay gudoomiyihii hore ee Barlaamanka Prof Maxamed Cismaan Jawaari kaa oo soo hogaaminayay Barlamaankii 9-aad iyo kan tobnaad ee xiligan shaqeeya.

Ambasador Keating ayaa kula darmaamay dhinacyada hardanka siyaasadeed ee Soomaliya uu ka dhaxeeyo in ey had iyo jeer ilaaliyaan sareynta sharciga, taana ay muhiim u tahay baraaraha iyo horu-usocdka umadda soomaaliyeed.

Maalinimadii shalay aheyd kadib muddo barlamaanka shaqadiisu ey habac iyo jahawareer siyaasadeed ay gashay kadib waxaa la doortay gudoomiye Maxamed Mursal Sh Cabdirahman oo dhawaan iska casilay xilka wasiirka difaaca soomaaliya.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (3784 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: