Advertisements
Wararka

Real Madrid oo u soo baxday finalka Champions League oo ka dhici doona Kiev…


Real Madrid ayaa gaartay finalka Champions League xilli ciyaareedkii seddexaad oo isku xiga ka dib markii ay isku dhaceen semi-finalka Bayern Munich ciyaar ka dhacday Santiago Bernabeu.

Lugtii koowaad ee Allianz Arena ee magaalada Munich ee Jarmalka ayaa ku dhamaatay 2-1 oo ku guuleysatay Real.

Bayern ayaa ku hormartay goolka daqiiqadii 3aad ee ciyaarta, laakiin Real ayaa iska soo guday goolka daqiiqadii 11aad oo benzema saxiixay.

Daqiiqadii 46aad ayaa mar labaad gool helay BenZema isaga oo ka faa’ideystay khalad uu sameeyey goolhayaha Bayern.

Daqiiqadii 63aad, Rodriguez ayaa dhaliyey goolka labaad iyo goolkii barbaraha ee Bayern, iyada oo ku dhamaatay ciyaarta barbaro, waxaase soo baxday kooxda Real Madrid oo ku soo baxday 4-3 markii loo geeyo lugtii hore.

Waxaa caawa kulmi doona Liverpool iyo Roma lugtii labaad ee semi finalka Champions League oo ay ka dhici doonta garoonka Olympic Stadium ee caasimada Talyaaniga ee Roma.

Liverpool ayaa guul weyn ka gaartay Roma kulankoodii ugu danbeeyay 5-2.

Roma waxay u baahan tahay inay ku guuleysato ugu yaraan seddex gool oo nadiif ah si ay ugu gudubto finalka oo lagu qaban doono caasimada Ukraine ee Kiev bishan 26da.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (5176 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: