Advertisements
Wararka

Guddoomiyaha cusub ee Golaha Shacabka oo xilka kala wareegay Guddoomiyihii Hore…


Guddoomiyaha cusub ee Golaha shacabka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh C/Raxmaan ayaa maanta si rasmi ah xilka ugala wareegay Gudoomiyihii hore ee golaha Shacabka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari.

Munaasabada xil wareejinta ayaa ka dhacday xarunta Villa Hargeysa waxaana kasoo qeyb galay Xildhibaano katirsan golaha Shacabka kuwaa oo marqaati ka ahaa munaasabada xilka lagula kala wareegayay.

Guddoomiyaha cusub Maxamed Mursal ayaa si weyn u amaanay Gudoomiyihii hore ee golaha shacabka, waxa uuna sheegay in Jawaari wax badan qabtay soona maamulay dalka xili adag.

Maxamed Mursal ayaa sheegay in uu ka talo qaadan doono Gudoomiyihii hore ee golaha Shacabka, waxa uu sidoo kale balan qaaday in uu ka shaqeyn doono sidii loo mideyn lahaa Xildhibaanada golaha Shacabka.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (3821 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: