Advertisements
Wararka

Meghan Markle walaalkeed ayaa warqad ku sheegay in Prince Harry tirtiro xaflada arooska…


Thomas Markle, oo ah walaalka dhinaca aabaha atariishada Mareykanka Meghan Markle, ayaa qoray warqad uu ugu yeerayo Prince Harry inuu tirtiro xaflada arooska walaashiis ee boqortooyada, waayo Meghan uma qalanto.

Wargeyska Newsweek ayaa sheegay in Thomas uu isku deyayo inuu xisaabiyo walaashiisa xisaabaad hore asaga oo ku eedeynayo in ay dayacday qoyska, gaar ahaan waalidkeed oo u deynsaday lacag si ay ugu guuleysato mihnada jilida aflaamta, sida ku qoran warqada oo lagu qoray gacanta.

Thomas ayaa ku yiri warqadiisa asaga oo si toos ula hadlaya Amiirka “Guurkan waa khaladka ugu wayn ee taariikhda guurka boqortooyada, waa cadahay in Meghan Markle aanay ahayn haweenayda munaasibka ah,”

Warqadda ayuu ku xusay sida aabaheed aanu u helin wax martiqaad ah oo ka qeyb galka guurka gabadhiisa, Wuxuu noqday qof aan waxba heysan, taasina ay sabab u tahay deyntii uu u qaaday.

Wargeyska Newsweek ayaa sheegaya in aysan aheyn markii ugu horeysay ee Thomas uu ka hadlo walaashiisa hadalo aan daacad ahayn, bishii hore ayuu ku xusay wargeyska Daily Mirror in Meghan ay ilowday halka ay ka soo jeedo”, Waxaa la casuumay 1200 qof , kuma jiro qof ka mid ah ehelkeeda oo lagu casuumay arooskaasi oo dhici doona 19 May 2018″.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (5173 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: