Advertisements
Wararka

Kaamaro qarsoodi ah oo lagu xiray musqusha safaarada New Zealand ee Mareykanka…


Sarkaal hore oo ka tirsanaa ciidamada badda ee New Zealand ayaa lagu eedeeyay in uu ku qariyey kamarad qarsoodi ah musqusha safaaradda New Zealand ee Mareykanka ee Washington.

Alfred Keating oo ka shaqeynayey mulxaqa safaarada ee dhinaca difaaca markii la helay kaamaro ku talaalan musqusha bishii July ee la soo dhaafay.

Waxaa lagu eedeeyay inuu isku dayay in uu sawiro ka qaado goobaha xasaasiga ah ee dadka wuxuuna wajihi doonaa ilaa 18 bilood oo xabsi ah haddii lagu helo dembiga.

Keating wuxuu sheegay in uusan dambi ku laheyn eedan loo soo jeediyey.

Maxkamadda Sare ee New Zealand ayaa diiday codsiga Keating oo ahaa in magaciisa la qariyo, isaga oo sheegay in qoyskiisa ay la kulmi doonaan dhibaatooyin halis ah haddii la aqoonsado.

Kamaradda ayaa la ogaadey markii ay dhulka ku soo dhacday iyada oo ku xirneyd tuubo wax kululeysa musqul ay wada isticmaalaan ragga iyo haweenka.

“Kamaradda ayaa si ula kac ah looga dhejiyey meel sare iyada oo la aadiyey jihada u suurtagelineysa inay sawirtaan dadka isticmaala musqusha,” Qaadiga Grant Powell ayaa sidaas yidhi, sida ku cad dukumiintiyada maxkamada oo ay aragtay AFP.

Kamarada ayaa lagu daboolay lakab kale oo boodh ah, taas oo lagu muujinayey in ay jirtay muddo bilooyin ah.

Musqusha kamarad lagu rakibay ayaa waxaa isticmaalayey ku dhowaad 60 qof oo ka shaqeeya safaaradda.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (4577 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: