Advertisements
Wararka

Xaalada dadkii ka barakacay iyo kuwa ku go’doonsan magaalada B/weyne oo laga deyrinayo…


Waxaa xilligaan aad looga deyrinayaa xaaladda dadkii ka baracakay magaalada B/weyne ee gobolka Hiiraan iyo sidoo kale kuwo weli ku go’ddoonsan xaafado ka mid ah magaaladaasi.

Xubno ka mid ah guddiga gurmadka qaran, wasiiro iyo xildhibaanno tagay B/weyne ayaa sheegay in dadkaan u baahan yihiin in lala soo gaaro gurmad aad u adag.

Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo ka mid ah mudanayaashii tagay B/weyne ayaa sheegay in dadkaan aan indhaha laga daawan karin, islamarkaana u baahan yihiin gacan qabasho dhab ah.

Dadka ka barakacay B/weyne ee ku sugan duleedyada magaalada ayaan haysan meello ay ku hoydaan, cunto iyo sidoo kale caafimaad.

Wabiga Shabelle ayaa si isku mid ah ugu fatahay dhammaan xaafadaha magaalada B/weyne, waxaana weli laga cabsanayaa in wabiga uu biyo kale keeno.

Dhinaca kale Ilaa iyo 10 Iskuul oo ku yaalla Magaalada Beledweyne ayaa ka baaqan doona Imtixaanka Dalladda sida ay sheegeen Maamuladda Iskuulladda Magaalada Baledweyne sababtuna waa Biyaha Fatahaada uu xarumaha Dhax fadhiyo.

Qaar ka mid ah maamuladda Iskuuladda ayaa Xaqiijiyay in Maanta ay imtixaanka dalladda ay ka baaqan doonaan in ka badan ilaa iyo 1000 arday oo ka qalin jibin laheyd Dugsiyadda Sare ee Magaalada Beledweyne.

Guddoomiyaha guud ee Iskuuladda Magaalada Beledweyne Axmed Dhaqane ayaa warbaahinta u sheegay in aysan heli karin goobo lagu qaado Imtixaanka, islamrkaana dhammaan Iskuulladdii ay biyo Fadhiisteen.

Waxaa uu sidoo kale tilmaamay in dadka kunool Magaalada ay ku sugan yihiin Xaalad adag, islamarkaana ay u baahan yihiin in la badbaadiyo.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (5173 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: