Advertisements
Wararka

Amiirad uu dhalay xaakimka Dubai oo damcsaneyd inay baxsato oo la sheegay in…


Hay’adda u dooda xuquuda aadanaha ayaa ugu baaqday xukumadda Dubai iney jawaab ka bixiso arrinta ku saabsan amiiradda la la’yahay

Sheikha Latifa, oo ah gabadh uu dhalay hoggaamiyaha Imaarada Dubai ayaa waxaa la sheegay iney u baxsatay si ay u hesho noolal xor ah oo ay dibadaha ugu noolaato.

Balse dad xog ogaal ah ayaa waxay sheegayaan gabadhan noolasha raaxada ah ku jirtay iney India aadday kaddibna ay ku soo noqotay Dubai, wixi ka dambeeyeyna aan la arag.

Saraakiisha Dubai ayaa waxay ka gaabsadeen arrinta amiiradda arrima sharci oo jira awgood.

Sheikha Latifa, oo ah gabadh uu dhalay Shekh Maxammed Bin Rashiid Al-Makhtoum ayaa la qabtay iyada oo dooneysa iney dalka ka baxsato.

War BBC-du ay ka baahisay jimcihi baaritaan qoto dheer oo ay arrintani ku sameysay kaddib ayaa waxuu sheegayaa iney gabadhu taageero ka heshay Sirdoon hore oo Faransiis ah iyo nin kale oo Finland u dhashay.

Maxaa ku dhacay amiiradda Dubai ee Latifa?
Sabtidi ayey hay’adda xuquuqda aadanaha u dooda xukumadda Dubai weydiisay iney war cad ka soo saaraan halka ay ku sugan tahay Amiiradda iyo arrimaha sharciga ee la xidhiidha.

Balse Dubai waa ay ku guul darreysatay iney wax faahfaahin ah ka bixiso arrinta amiiradda taasoo muujineyso in amiiradda si ula kac ah loo qariyey.

Sheikha Latifa waxay saaxibadeed u sheegtay iney dooneyso iney ka baxsato cadaadiska ay ehelkeeda ku hayaan, balse mudda laba bilood ah aan la maqal akhbaarteeda, iyaga oo aad uga murugsan caafimaadkeeda iyo xaaladda ay ku sugan tahay oo aan la garaneyn.

Koox ku sugan dalka Ingiriiska ayaa waxay sheegayaan Sheikha Latifa 4-ta bisha Maarso iney ku sugneyd dhul xeebeed India ku yaallo.

Saraakiisha Dubai waxay BBC-da u sheegeen dadka u doodaya arrimaha amiiradda iyo waayitaankeeda ay faraha kula jiraan fal dambiyeed ay dhib kala kulmayaan.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (5173 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: