Advertisements
Wararka

Sir Alex Ferguson oo loola cararay isbitaal kadib markii uu miyir doorsoomay…


Tababarihii hore ee kooxda Manchester United Sir Alex Ferguson ayaa loola cararay isbitaal kadib markii uu miyir doorsoomay waxaana la sheegay in qalliin deg-deg ah lagu sameeyay oo uu haatan ku jiro qeybta xaalada deg-degga ah ee isbitaalka lagu dabiibayo.

Sir Alex Ferguson ayaa tababare u ahaa naadiga Manchester United muddo 26 sano ah, waxana uu u soo hoyay kooxda illaa 38 koob.

Qoraal ay soo saartay naadiga United ayaa lagu sheegay in xaaladiisa caafimaad ay wanaagsan tahay balse uu u baahan yahay in waqti uu ku qaato isbitaalka si loo xaqiijiyo ka soo ladnaanshihiisa.

Ferguson oo 76 jir ah ayaa ka fariistey tababaranimada kooxda Man United oo kaalinta labaad hadda ugaga jirta horyaalka Premier League bishii May 2013.

Sir Alex Ferguson ayaa joogay Axadii aynu ka soo gudubnay garoonka Old Trafford waxana uu guddoonsiiyay koob sagootin ah tababaraha ka sii tegeya Arsenal Arsene Wenger oo muddo dheer uu xifaaltan ka dhexeeyay.

Tababare Ferguson ayaa ah tababarihii ugu guulaha badnaa ee taariikhda soo mara ciyaaraha Ingiriiska waxaana uu kooxda ku ciyaarta Old Trafford la qeybsaday koobab faro badan oo 13 kamid ah ay yihiin horyaalka Permier League iyo 2 horyaalka Yurub ah.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (4557 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: