Advertisements
Wararka

Wasiirka arrimaha gudaha ee Pakistan oo lagu dhaawacay isu soo bax gobolka Punjab…


Wasiirka Arrimaha Gudaha dowlada Pakistan Ahsan Iqbal ayaa lagu dhaawacay isu soo bax ka socday bartamaha gobolka Punjab kadib markii qof aan la garanayn uu rasaas ku furay.

Wasiir u hadlay xukuumada Pakistan ayaa sheegay in Iqbal oo ah 59 sano jir uu ka dhaawacmay garabka isagoo khudbad ka jeedinayay magaalada uu ka soo jeedo ee Narowal.

Afhayeen u hadlay laamaha ammaanka dalka Pakistan ayaa u sheegay taleefishinka Al Jazeera in Iqbal uu doonayay inuu raaco gaarigiisa balse nin dhalinyaro ah ayaa dhowr rasaas ku ridey.

“Hal xabad ayaa ugaga dhacday garbaka bidix waxaana loo qaaday isbitaal halkaasoo lagu daweynayo.”ayuu sii raaciyay afhayeenka.

Mas’uuliyiin u hadashay maamulka magaalada lagu dhaawacay wasiirka ayaa sheegay in dhaawaciisa uusan ahayn mid halis ah.

“Xaaladiisu waa wanaagsan tahay wuuna miyir qabaa wasiirka.”ayuu yiri Ahmed Iqbal oo ah wiil uu dhalay wasiirka la dhaawacay,

Weerarka lagu qaaday wasiirka arrimaha gudaha dalka ayaa loo qabtay hal ruux waxaana socda baaritaano dheeri ah.

Iqbal ayaa noqday wasiirka arrimaha gudaha sanadkii la soo dhaafay balse waxaa uu ka mid ahaa Golaha Wasiirada dowlada Pakistan tan iyo markii xisbiga PML-N uu ku guuleystey doorashada dalka Pakistan sanadkii 2013.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (4518 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: