Advertisements
Wararka

Askar Kenyan ah oo ku dhintay miino duugneyd oo dul maray gaari ay wateen…


Todob askari oo ka tirsan ciidanka Kenya ayaa dhintay laba kalena dhaawac halis ah ayaa soo gaaray ka dib markii miino duugan uu dul maray gaari ay wateen.

Gaarigaan miinada lala eegtay ayaa wuxuu marayey agagaarka magaalada Dhoobleey ee dhanka dalka Kenya.

Askari Soomaaliyeed oo ka gaabsaday in magaciisa la sheego ayaa sheegay in uu arkay todob askari oo Kenyaan ah meydkooda iyo waliba laba si xun u dhaawacmay.

Dad ku dhawaa halkaa uu qaraxaas ka dhacay ayaa ku tilmaamay qaraxa mid aad u xoog badan oo dhawaqiisa meel fog laga maqlay.

Kooxda al-Shabaab oo dagaal kula jirta ciidamada dalka Kenya ayaa la rumeysanyahay in ka dambeeyaan miinadaan dhulka lagu aasay.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (5164 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: