Advertisements
Wararka

Hooyo ku baaqday in la joojiyo qalalaasaha ka dhaca waddooyinka London…


Hooyada dhashay wiil 17-sano jir ahaa oo lagu dilay magaalada London ayaa ku baaqday in la joojiyo qalalaasaha laga gaysanayo waddooyinka magaalada London taaso horseeday khasaaree nafeed.

“dilka wiilkaygu ayaa tusaale u ah qof kasta, waa in la joojiyo arrintaasi” ayay tiri Pretana Morgan oo wilkeeda Rhyhiem lagu dilay deegaanka southwark ee magaalada London.

Wuxuu kamid ahaa dilka afar kamid ah carruur oo lagu toogtay magaalada London.

Degaanka Wealdstone waxaa lagu dhaawacay laba ciyaal ah oo kala jiro 13 sano iyo 15 sano jir halka wiil 22 sano jir isagana lagu toogtay Lewisham.

Rhyheim

Maydka Rhyhiem Ainsworth ayaa laga hellay waddada Warham galabnimadii sabtida, waxaana la sheegay in la toogtay xilli uu kubad la cayaarayay saxiibadiisa.

Illa iyo hadda cid lala xirriirinayo dilka oo la xiray ma jiraan.

Hooyada Rhyhiem waxay sheegtay in uusan ka tirsanayn burcad balse mustaqbalka uu rajaynayay inuu noqdo injineer guryaha dhiso.

Duqa magaalada London Sadiq Khan wuxuu sheegay inuu ka xun yahay dilka loo gaystay da’a yarta.

Dilka Rhyheim ayaa imaanaya in ka yar uun 24 sacaadood ka hor inta aan la dilin laba carruur ah oo maalin cad lagu toogtay waqooyiga London abaarihii xilliga qadada ee Axaddii.

Saraakiisha goobta ay wax ka dhaceen waxay sheegeen inay wadaan baaritanno lagu oganayo cidda ka dambaysay dilka carruurtaasi.

In ka badan 60 qof ayaa lagu dilay magaalada London sanadkani oo kaliya ah, intooda badanna waxay ahaayeen dilal lagu fuliyay minddi.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (4577 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: